Sawirro: Laba madaxweyne goboleed oo soo gaaray magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdishu ee caasimadda Dalka.

Qoor Qoor iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Adan Cabdulle International Mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada XFS, maamulka Gobolka Banaadir, xubnaha labada aqal ee BFS iyo madax kale oo ka tirsan Galmudug.

Sidoo kale waxaa isla galabta caasimadda soo gaaray madaxweynaha HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) oo isna si weyn loogu soo dhoweeyey Aadan Cadde.

Labada hoggaamiye ayaa Muqdisho u yimid ka qeyb-galka shirka golaha wadatashiga qaranka ee uu iclaamiyey ra’iisul wasaaraha XFS oo dhawaan ka dhacaya Muqdisho.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here