R/Wasaare Rooble oo war kasoo saaray doorashadii ka dhacday Kismaayo

0

KISMAAYO (SMN) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu hambalyeeyay Guddiga Maamulka Doorashada Dowlad Goboleedka Jubbaland , Guddiga Doorashada Heer Federaal iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) bilaabista doorashada Golaha Shacabka ee maanta ka bilaabatay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Rooble ayaa ku adkeeyay Guddiyada Doorashooyinka in doorashadu ay noqoto mid daahfuran oo waafaqsan habraacyada doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale u hambalyeeyay xildhibaannada maanta la doortay oo uu u rajeeyay in Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda loo igmaday.

Jubbaland ayaa noqonaysa maamul goboleedkii saddexaad ee bilaaba doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka, waxaana ka horreeyey Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here