Sawirro: Maamulka gobolka Banaadir oo gargaar ka qeybiyey saddex degmo

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Basma Caamir Axmed (Jakeeti) ayaa maanta deeq gargaar ah ka qeybisay Degmooyinka Shibis, Boondheere iyo Yaaqshiid.

Deeqdaan oo ka timid dowladda Imaraaraadka, isla markaana lasoo marsiiyay Wasaarada Gargaarka DFS ayaa la gaarsiiyay Dadka danta yar iyo kuwa abaaruhu ay kusoo saameeyen Gobolada Dalka ee Caasimadda soo gaaray.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan qoysas badan oo kasoo hayaamay deegaanadoodii, kadib markii ay saameysay abaarta ka jirta dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here