Sawirro: Wafdi ka socda dowladda Itoobiya oo soo gaaray Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Wafdi uu hoggaaminayo wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Mogamed Rafie Abaraya ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho oo ay ku soo dhoweeyeen Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Cismaan, Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya C/fataax C/llaahi Xasan iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka qaranka.

Wafdigan soo gaaray Muqdisho ayaa hordhac u ah wafuud kala duwan oo lagu wado in ay soo gaarayaan dalka, kuwaas oo ka qeyb galaya xafladda caleema saarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo dhaceysa 9-ka bishan.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan magacaabay guddiga qaban qaabada caleema saarka Madaxweynaha, kuwaasoo ka shaqeynaya habsami u socodka xafladda oo ay ka soo qeyb galayaan Madaxweynayaal, Wasiiro Arrimo dibedeed, danjireyaal iyo mas’uuliyiin ka kala imaaneysa dowladaha caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here