Madaxweynaha Ruushka oo warqadaha ka guddoomay safiirka Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha wadanka Ruushka Vladimir V. Putin ayaa warqadaha aqoonsiga danjire-nimo ka guddoomay safiirka Cusub ee ay Soomaaliya u magacowday dalkaasi Mudane Xasan Cabdi Daauud.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay aqalka madaxtooyada dalka Ruushka ayaa madaxweyne Vladimir V. Putin waxaa uu qudbad ugu jeediyay safiirada cusub ee uu aqoonsiga ka guddoomay kuwaa oo gaaraya 21 danjire oo ka kala socday dalal ka duwan oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Mudane Xasan Cabdi Daauud ayaa ka shaqeynaya kor u qaadista xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo dalka Ruushka gaar ahaan dhinacyada iskaashiga dhaqaalaha,waxbarashada,cafimaadka,ganacsiga iyo ciidamada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here