Sawirro: Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray dalka Uganda + Ujeedka

0

KAMPALA (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qayb-galaya munaasabad maanta ka dha⁸caysa halkaasi, taas oo si rasmi ah loogu saxiixayo ka mid noqoshada Soomaaliya ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa inta uu joogo Kampala kulamo duceedyo la yeelan doono madaxda sare ee dalka Uganda, isaga oo kala hadli doono xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dowladood.

Soomaaliya ayaa dhawaan ku biirtay Dalladda Bulshada Bariga Afrika ee EAC, taas oo kamid ah guulaha waa weyn ee ay gaaray dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here