MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.
Ujeedka kormeerka Madaxweynaha ayaa ahaa u kuurgelidda hannaanka shaqo ee Wasaaradda iyo Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa kulamo la leh haatan, taliyeyaasha iyo saraakiisha hoggaannada Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.