Sawirro: Madaxweyne Laftagareen oo qaabilay saraakiil ka socota Ingiriiska

0

BAYDHABO (SMN) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Dowladda Ingiriiska uqaabilsan Koonfur Galbeed lieutenant Colonel Richard iyo Saraakiil Ciidan oo ay Wehlinayeen.

 

Qaabilaada Madaxweyne Laftagareen oo ay ka qeybgaleen Taliye ku xigeenka Ciidanka Xooga Dalka Sareeye guuto Madeey Nuurkey Shekh iyo Taliyaha Qeybta 60-aad Ciidanka Xooga Dalka Generaal Xasan Isaaq Cumar

Madaxweynaha iyo Saraakiisha ayaa kulankooda kaga wada hadleen Xoojinta Amniga Deeganada Koonfur Galbeed, Kordhinta Taageerida Dowladda UK ee Tababarida iyo Qalabaynta Ciidamada Qalabka sida iyo Wadaagida Xogaha ku Saabsan ka Hortagida Dhagarta Cadowga Khawaarijta Alshabaab umaleegayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here