Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Tansaaniya + Ujeedka

0

ARUUSHA (SMN) –  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si diirran loogu soo dhaweyeyey magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa ka qeyb-galaya Shirka Madaxda Dalladda Bulshada Bariga Afrika oo laga sugayo in ay go’aan ka soo saaraan codsiga dowladda Soomaaliya ee ku biirista dalladan.

 

Madaxweynaha oo xoogga saaraya sidii uu ugu qancin lahaa hoggaamiyeyaasha Dallada Bulshada Bariga Afrika in ay aqbalaan codsiga Jamhuriyadda Soomaaliya ayaa uga warbixinaya hawlkarnimada iyo firfircoonida ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed, fursadaha dhaqaale iyo khayraadka ceegaaga dalkeenna oo haddii la maal-geliyo ay ka faaiideyaan dadkeenna iyo dalkeenuba.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo horey socdaal ugu maray qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa xasuusiyey wakhtiga dheer ee uu horyaallo codsiga shacabka iyo dowladda Soomaaliya oo la gudbiyey sannadkii 2016-kii, isaga oo u arka in mustaqbalka dhaqaale iyo bulsho ee dalalka Geeska Afrika uu yahay mid isku sidkan, ayna muhiim tahay in dalkeennu uu doorkiisa ka qaato.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadaal ku bixinaya in dalkeennu uu ka qayb-qaato iskaashiga dhaqaalaha iyo fududeynta isu-socodka dalalka Gobolka oo saldhig u ah kobcinta dhaqalaaha, shaqo-abuurka iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here