Sawirro: Maxay ka wada-hadleen duqa Muqdisho iyo guddoomiyaha SoDMA?

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Maanta booqasho ku yimid Xarunta Dhexe ee Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, waxaana ku soodhaweeyey Guddoomiyaha hay’adda Mareeynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta, Guddoomiye ku xigeenka SoDMA iyo dhamaan madaxda kale ee hay’adda,waxaana Guddoomiyaha looga warbixiyey cabsi xoogan oo laga qabo in guud ahaan Wadanka ka da’o Roob xoogan oo ka badan cadadii la sugayey taas oo ka dhalan karta Fatahaado,iyo daadadka

El-Niño.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhamaan Shacabka Soomaaliyed si gaar ah shacabka Caasimada ugu baaqay in ay feejignadaan taxadar dheeri ahna ka muujiyaan Roobkaan oo aad u xoog badan,kana xajimi badan kuwii hore,lagana fogaado goobaha biya mareenada ah.

Goobaha cabsida laga qabo in uu ka da’o Roobkaan ayaa ah guud ahaan dalka si gaar ah Goobaha ay maraan Wabbiyada,iyo Dhulka buuralayda ah oo daadad ay ka dhalan karaan.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here