Sawirro: Maxay ka wada-hadleen guddoomiyaha BF iyo Axmed Madoobe?

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay kulan salaan iyo hambalyo ah la qaatay madaxweynaha Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa Guddoomiyaha la wadaagay sida shacabka reer Jubaland iyo bulshadba ay u taageereen doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland wuxuu Gudoomiyaha uga mahadceliyay go’aanka lagu fasaxay xildhibaanada deegaan doorashada labaad ee Jubaland, gaar ahaan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here