Sawirro: Maxkamadda Ciidamada oo xukun adag ku ridday askari dil geystay

0

MUQDISHO (SMN) – Maxkamada ciidamada qalabka sida qaybta Galmudug ayaa maanta u fariisatey dhageeysiga iyo go’aan ka gaarista dacwadda loo heysto dable Xoogga, Cabdiraxmaan Cabdulahi Axmed Tooxoow ( Taagane) oo ka tirsan guutada 18-aad ururka 6-aad ee Gor Gor, kuna eedeeysan dil xerada ciidamda GorGor ee duleedka Dhuusamareeb loogu geystay 16-kii bishii 12-aad ee sanadkii tagey, allaha u naxariistee Marxuum ex-dable xoogga Nuuradiin deeq Maxamed oo isla xeradaasi ka tirsanaa.

Guddoomiyaha  maxamada ciidamada qalabka sida ee Qaybta Galmudug G/dhaxe Cabdulaahi Abuukar xasan ayaa soo xiray gunaanadka garmaqalka dacwada,waxa uu ku dhawaaqey xukunka maxkamada oo go’aamisey in Dable xoogga dalka, Cabdiraxmaan Cabdulahi Maxamed Tooxoow ( Taagane) yahay dambiile geystay dilka lagu soo eedeeyey.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in lagu xukumey 15-sano oo xabsi ciidan ah iyo boqol halaad oo ah magta marxuumka uu dilay.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here