Faah faahino kasoo baxaya iska hor imaad ka dhacay Caabudwaaq

0

CAABUDWAAQ (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay is-rasaaseyn xalay ka dhacday qeybo ka mid ah degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud.

Iska hor imaadka ayaa wuxuu u dhexeeyey ciidamada ammaanka Galmudug iyo maleeshiyaad hubeysan oo ku sugnaa xaafadda amaana ee magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in is-rasaaseynta ay timid, ka gadaal markii ay isku dhaceen ciidamada Galmudug oo xilligaas wadan howl-gal iyo maleeshiyaadka hubeysan.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalkaas uu ku dhintay mid ka mid ahaa maleeshiyaadka hubeysan, halka uu dhaawac soo gaaray askari ka mid ah Galmudug.

Xaaladda ayaa saaka ah mid deggan, welina ma jiro wax faah faahin ah kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here