Sawirro: Maxkamadda ciidamada oo xukuntay rag ka tirsan Al-Shabaab

0

Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil oo caan kaga ahaa Alshabaab Maxamed Carab iyo Maxamed Xuseen Xasan Abuukar ayaa loo haystaa kamid ahaanshiyaha maleeshiyada Alshabaab gaar ahaa in ay  ka kala tirsanaayeen qaybaha Caafimaad iyo Jabhadaha gobalka Mudug.

March Sanadkan ayay Labada Eedeysane ka soo qabteen ciidamada xoogga dalka deegaanka Bacaadweyn oo kamid ah goobaha sida wayn loogu jabiyay maleeshiyada isku dayadii ay ku soo qaadeen dhowr jeer oo kala duwan.

Eedeysanayaasha oo lagu soo wareejiyay hey’adaha Dambi Baarista ayaa Gungaar kadib ku soo wareejiyay xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida billowgii April, xilligaasi oo ay xeer ilaalinta codsatay in loo gudbiyo Eedeysanayaasha Xabsiga dhexe gar-suge ahaan.

Cabdullaahi Cabdiraxmaan oo magiciisu Afgarashadu yahay Maxamed Carab ayaa Alshabaab kaga biiray Xudur 2016, waxaa loo diyaariyay in uu Daweeyo dhaawacyada maleeshiyada, waxa uu ka shaqeeyay Ceel Cadow iyo Galhareeri oo ka kala tirsan Galgaduud iyo Shabeellada Hoose,

Isaga oo u safaryo sidii uu u dabiibi lahaa dhaawacyo maleeshiyada Alshabaab ka gaaray Bacaadweyn oo la geeyay xilligaasi Camaara ayay waddada isku heleen Military-ga Soomaaliya is rasaaseyn kadib isaga ayaa la qabtay isaga oo dhaawac ah.

Maxamed Xasan Abuukar, waxa uu Alshabaab kaga biiray Bay 2018, Hiiraan ayuu tababar ku qaatay, waxaana isla xilligaasi lagu wareejiyay TuuladaCaad oo mudug ka tirsan si’uu uga mid noqday maleeshiya ku dhuumaaleysato halkaasi oo mararka qaar  weerar qarsoodi ah u tegi jiray qaybaha kale ee Gobalka.

Dagaalkii ugu dambeeyay ee Bacaadweyn ka dhacay ayuu ku dhaawacmay, waxa ayna Ciidamada Xoogga Dalka ku soo wareejiyeen hey’adaha Baarista.

April bartamaheedii ayay Codsadeen Xafiiska Xeer Ilaalinta in la muddeeyo dhageysiga Dacwadda, waxa ayna Maxkamadda Aqbashay in loo fariista Dacwadda ka dhanka ah labada Eedeysane 19 April Sanadkan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda ka codsaday labada Eedeysane in loo Ciqaabo dambiga ay galeen Maadaama Ciidamada Amniga ay kala hor tageen hub wax dila balse ay Ciidamada doorteen in la mariyo Nidaamka Cadaaladda.

Qareenada u dooday labada Eedeysane ayaa Maxkamadda ka codsaday in loo Naxariisto maadaama aysan ka dhalan khasaaro weeraradii ay qaybta ka ahaayeen isla markaan ay iyga dhaawacya ka soo gaareen.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo fadhiya kala duwan ka yeeshay kiiskan ayaa ugu dambeyn kuwada xukumay 1- Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil & 2- Maxamed Xuseen Xasan Abuukar Xabsi Daa’in sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanayaasha ayaa haysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here