Al-Shabaab oo weerar madaafiic ah ka fulisay gobolka Bari

0

Wararka laga helayo deegaanka Galgala ee ku yaalla buuraleyda Calmadow ee Gobolka Bari ayaa waxaa ay ku warramayaan in saacadihii lasoo dhaafay halkaasi  tirro hoobiyeyaal ah ku garaaceen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in gudaha Galgala ay kusoo dhaceen ilaa iyo 20 hoobiye oo jugtooda siweyn loo maqlay, isla markaana dadka ay dareemeen cabsi xoogan oo la xiriirta madaafiicda.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Puntland ee ku sugan Galgala ayaa sheegay in mid kamid ah madaafiicda ku dhacay halkaas uu ku geeriyooday Askari kamid ah Ciidanka Puntland, iyadoona aan lasoo werin khasaaro kale oo ka dhashay.

Ciidamada maamulka Puntland ayaa saldhigyo ku leh deegaanka ay Al-shabaab ku garaaceen madaafiicda, waxaana sidoo kalena degan dad u badan beeraleey iyo xoolo dhaqato.

Si kastaba Al-shabaab iyo Ciidanka Puntland ayaa dhowr jeer ku dagaalamay deegaano ka tirsan buuraleyda Calmadow ee Gobolka Bari, waxaana shabaabka ay fariisimo ku leeyihiin dhulka buuraleyda oo ay weeraro kasoo qaadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here