Sawirro: Muxuu ahaa ujeedka shirka uu maanta guddoomiyay R/W Xamza?

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa galabta shir guddoomiyay kulan muhiim oo looga hadlayay jiheynta dhaqaalaha dalka marxaladda deyn-cafiska kadib.

 

Shirka ayaa lagu soo bandhigay talo-bixin ay sameeyeen Golaha Dhaqaalaha Qaranka, oo ka kooban lix qodob oo taabanaya qorsheyaasha horumarineed, sare u qaadidda maamulka maaliyadda oo ay ka mid yihiin sare u qaadidda dakhliga, xakameynta kharashaadka iyo isu dheellitirka miisaaniyadda, maareynta deymaha, hufnaanta iyo isla xisaabtanka, nidaaminta shuruucda iyo siyaasadaha ganacsiga dalka iyo xoojinta siyaasadda lacagta ee kaalinta Bangiga Dhexe.

Ra’iisul Wasaaraha oo bogaadiyay marxaladda uu marayo hannaanka deyn-cafiska Soomaaliya, ayaa dhinaca kale waxa uu faray Wasaarradaha iyo Hey’adaha ku lugta leh inay dardargeliyaan waajibaadka ka saaran dhameystirka qorsheyaasha marxaladda deyn-cafinta kadib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here