XFS oo faah-faahin ka bixisay gulufka ku wajahan Ceelbuur iyo Galhareeri

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Soomaaliya, Xasan Macallin oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa ka warbixiyay dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ka socda gobollada dhexe, kuwaas oo ay wadaan ciidamada huwanta.

 

Xasan Macallin ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo gulufka dagaal ee Galmudug, isaga oo sidoo kale ka warbixiyay kulamada madaxweynaha uu ka wado halkaasi.

Sidoo kale Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa ku baaqay in midnimo looga qayb qaato howl-gallada dib-u-xoreynta dalka, gaar ahaan kuwa wajahan magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri ee gobolka Galgaduud.

Galmudug ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo todobaad ka badan ku sugan caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Dagaalka ayaa geli doono wajiga labaad oo xoogiisa la filayo inuu ka dhaco Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin xoogaga Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here