Sawirro: Muxuu ahaaa ujeedka shirka uu guddoomiyay R/W ku xigeenka dalka?

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’isul wasaare ku xigeenka XFS Md. Saalax Axmed Jaamac ahna ku simaha Ra’iisulwasraaha XFS ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA waxa uu ku Guddoomiyey shir gaar ah oo u dhaxeeyey Xafiiska Ra’isulwasaaraha, Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, Wasaaradaha Gargaarka dowlad goboleedyada Dalka, iyo Masuuliyiin ka socday hay’addaha NGO yada maxalliga ah .

 

Shirkaan oo looga hadlay xaaladaha bini’aadanimo ee dalka ayaa waxaa ka soo baxay in SoDMA qabato shir aan caadi aheen oo looga hadlaayo xaaladaha bini’aadanimada, caqabadaha jira iyo sida looga gudbi karo, in la dhameestiro sharciyada iyo siyasaddaha looga hortagayo Leex shashada Gargaarka iyo in la dhiso guddi gaar ah oo ka kooban SoDMA iyo hay’addaha maxalliga ah oo ka shaqeeya in inta aysan dadka soo barakicin deegandooda wax loogu qabto.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here