Sawirro: Ra’iisul wasaare Rooble oo qaabilay ergey ka socda dowladda UK

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee Dowladda UK u qaabilsan ka hortagga Macluusha iyo Arrimaha Bani’aadminimada Nick Dyer.

Rooble ayaa ergeyga kala hadlay sidii gurmad loola gaari lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameynta ku yeelatay.

Sidoo kale waxaa kulankan goobjoog ahaa wasiirka maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo xubno kale oo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here