Sawirro: R/W Rooble oo kulan la yeeshay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay   guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Muuse Geelle Yusuf.

Rooble ayaa guddoomiyaha kala hadlay hirgalinta jadwalka shahaaddo siinta iyo dhaarinta xildhibaannada ee guddigu shaaciyay iyo dhammeystirka doorashada xildhibannada harsan.

Doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa haatan mareysa meel wanaagsan, walow lasoo dhaafay xilligii lagu ballamay in lasoo gabagabeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here