Sawirro: Rooble oo kulan la yeeshay taliyeyaasha ciidamada iyo AMISOM

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir la yeeshay taliyeyaasha hay’adaha ammaanka dalka iyo ciidammada AMISOM.

Shirkan ayaa waxaa diiradda lagu saaray adkeynta amniga guud ee dalka, gaar ahaanna caasimadda magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray hay’adaha amnigu inay xoogga saaraan dardar gelin howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee guud ahaan gobollada dalka.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday sidii loogu diyaar garoobi lahaa amniga guud ee doorashooyinka guddoonnada labada Aqal ee Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here