Madaxweyne Qoor Qoor oo baaq kasoo saaray abaarta ka jirta Galmudug

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxwaynaha dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa soo xiray shir saacada badan qaatay oo looga hadlayay abaaraha ku dhuftay deegaannada iyo degmooyinka Galmudug. Shirka ayaa waxaa ku sugnaa hay’addaha gaargaarka sida Qaramada Midoobay iyo hay’addaha gargaarka ee kashaqeeya deegaannada Galmudug.

Shirkan oo ay soo agaasintay wasaaradda Gargaarka, ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Haweenka, Wasaaradda Caafimaadka iyo sidoo kale Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, iyadoona wasaaradaha iyo hay’addihii ka soo qeyb galay kulanka ay isla jeex jeexeen saameenta abaarta ay ku yeelatay Galmudug.

Qoor Qoor ayaa waxa uu sheegay in abaarta ay saameeysay dad gaaraya todobo boqol oo kun (700,000) oo qof, kuwaas oo ku sugan degmooyinka iyo deegaannada Maamulka Galmudug, iyadoo uu uga mahadceliayay howsha ballaaran oo ay wadaan Wasaaradaha Galmudug iyo hay’adaha gargaarka ee shirka qeybta ka ahaa.

Madaxwaynaha Galmudug ayaa xusay in dadka xoolaha haystay ay qaar uga dhinteen biya la’aan, halka intii soo hartana ay u taag waayeen, maadaama aysan uhayn baad iyo biyaba, waxana uu sidoo kale soo hadal qaaday in iskuullo gaaraya 50 oo hoostaga deegaanada Galmudug ay u xirmeen abaarahaha, sidaasna ay waxbarasho la’aan ku soo wajahday ardaydii dhiganaysay.

Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa baaq u diray hay’adaha caalamiga ah, isagoo ugu baaqay in ay laba jibaaraan dadaaladooda ku aadan wax ka qabashada abaaraha xooggan ee saameeyay Galmudug, waxana uu si gaar ah ugu baaqay ganacsatada iyo dadka ka soo jeeda Galmudug, inay garab istaagaan dadka abaartu saameesay.

Ugu dambeyn madaxwaynaha Galmudug ayaa sheegay in abaartu ay ka dhasheen cuduro ay kamid tahay Jadeecada, iyadoo suuragal ay tahay in cuduro badan ay kadhalan karaan xilli cunta la’aanta iyo biyo la’aantuba ay gaartay heerkii ugu sarreeyay, taas oo ubaahan wax kaqabasho degdeg ah, maadama ay Galmudug kow ka tahay deegaannada ay abaartu saameesay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here