Sawirro: Shirweyne muhiim ah oo ka furmay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka ayaa maanta daahfurtay Shirka Madasha Qaran ee yareynta Khataraha Musiibooyinka, kaasi oo ka furmay hoolka shirarka Afisiyooni ee Garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Daahfurka Madashan oo looga hadlayo Daraaseynta Yareynta Khataraha Musiibooyinka iyo saameeynta ka hortagga Abaaraha, isbedelka Cimilada, fatahaadaha iyo Anyaxa ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Mas’uuliyiin ka socota Wasaaradaha Shaqo wadaagga la ah Wasaaradda ee kala ah Beeraha iyo Caafimaadka, qaar ka mid ah Agaasimaha Waaxda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka iyo mas’uuliyiin dhinaca maareeynta musiibooyinka ee Qaramada Midoobay.

Mudane Maxamed Abuukar Axmed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka ayaa sheegay in shirka uu muhiimad gaar ah u leeyahay bulshada Soomaaliyeed, loona baahanyahay in laga soo soo saaro qodobo muhiim ah.

Madashan oo ah wadatashi ku aadan yareynta Khataraha musiibooyinka ee ku aadan xafladda daahfurka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka iyo xubno kale.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo khudbad ka jeedisay madasha ayaa ka warbixisay saameynta iyo Khataraha musiibooyinka, loona baahanyahay in loo helo xal.

Dhammaadka madashan ayaa laga sugayaa in laga soo saaro warbixin cilmi baaris oo lagu eegayo khataraha Musiibooyinka soo noqnoqday ee dalka iyo sidii wax looga qaban lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here