Sawirro: Taliye Odowaa oo kulan la yeeshay safiirka dalka Qatar

0

MUQDISHO (SMN) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Odowaa Yuusuf Raage ayaa Xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Dowlada Qatar u jooga Soomaaliya Danjire Xasan Xamza Assad.

Labada mas’uul ayaa ka wadda hadlay xoojinka xiriirka labada dhinac  iyo dardargelinta taageerada ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo tayeynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Taliye Odowaa ayaa sidoo kale safiirka la wadaagay dadaalka ay dowladda Soomaaliya ugu jirto in la dhiso awood ciidan oo tayo leh si buuxdana ula wareega sugida amniga guud ee dalka Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here