Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxa magaalada Boosaaso + khasaaraha

0

BOOSAASO (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa lagaa helayaa khasaaraha ka dhashay qarax gelinkii dambe ee maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lala beegsaday goob maqaaxi ah, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan qaraxa ah ku dhintay ugu yaraan 3 qof, halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10 kale oo shacab ah oo xilligaas ku sugnaa goobta.

Xarakada Al-Shabaab ayaa dhabarka u ridatay mas’uuliyadda qaraxaan, sida ay ku sheegtay qoraal ay ku baahisay baraha bulshada ee Internet-ka.

Boosaaso ayaa ka mid ah magaalooyinka loo qorsheeyey doorashada Golaha Shacabka, waana deegaan doorashada labaad ee Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here