DOOXA (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa booqasho ku tagay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Qatar, isaga oo halkaas ay ku soo dhoweeyeen Danjireheenna Dalka Qatar Mudane Cabdirisaaq Faarax Cali Taano iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala Safaaradda.
Wasiirka oo hadal ka jeediyey Safaaradda ayaa kula dardaarmay diblomaasiyiinta ka hawlgala Safaaradda in ay dadaal dheeriya ku bixiyaan u adeegidda shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta danaha, sumcadda iyo sharafka dalkeenna oo ah waajibka qaran ee loo igmaday
Si kastaba Cabdisaciid ayaa ka mid ah wafdiga ee madaxweynaha Soomaaliya ku wehlinaya booqashada uu haatan ku jooga magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar.