Sawirro: Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay wafdi ka socday Faransiiska

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa xalay magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socday Wasaaradda Yurub iyo Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Faransiiska, kaas oo uu hoggaaminayey Agaasimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Christophe Bigot.

Wasiirka iyo Wafdiga ayaa ka wada hadlay horumarinta xiriirka labo geesoodka ah iyo xoojinta iskaashiga wadar geesoodka ah ee labada dal, waxaana ay si gaar ah kulankooda diiradda ugu saareen iskaashiga dhinacyada amniga, diblomaasiyadda, la dagaallanka argagixisada iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika.

Cabdisaciid ayaa maalmihii dambe waday kulamo ballaaran, isaga oo sidoo kale xiriir la sameeyey wasiir arrimo dibadeedyo dhowr ah, siiba dalalka saaxibada la ah dalkeena.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here