Sawirro: Wasiirka Arrimaha Dibadda oo QM kala hadlay arrimo muhiim ah

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Muqdisho Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Afrika dhanka Waaxyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabad-dhisidda iyo Howlgallada Nabadda (DPPA-DPO), Marwo Martha Ama Akyaa Pobee, taas oo soo gaartay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay horumarka siyaasadeed ee ka socda dalka, hannaanka doorashooyinka, howlgalladda Ciidamada Ammaanka iyo kuwa Xoogga dalka ay ku sugayaan amniga iyo xasiloonida.

Sidoo kale waxa ay labada dhinac isla soo qaadeen muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya laga qaado xayiraadda hubka ee la saaray tan iyo sanadkii 1992-kii.

Kulanka ayaa waxaa kale oo diiradda lagu saarray xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xal siyaasadeed ugu raadinayso khilaafaadka gudaha iyo xoojinta iskaashiga Qaramada Midoobey ee dhinacyada siyaasadda iyo adeegyada aasaasiga ah si horumar looga gaaro xaaladaha bini’aadantinimo, dhaqaale iyo amni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here