Madaxweyne Deni oo isbedal ku sameeyey taliska booliska Puntland

0

GAROOWE(SMN) – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 33 ee 7-da November 2021 kuna saabsan magacaabid iyo isku bedel Ciidan.

Madaxweynaha Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta Amniga.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda Ciidannimo.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa S/Guuto Cumar Cabdi Cilmi loo magacaabay Hogaanka Dembi Baarista (C.I.D) ee Ciidanka Booliska Puntland.
  2. Waxaa G/sare Xuseen Cali Maxamuud oo ahaa Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari loo bedelay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.
  3. Waxaa G/sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir oo ahaa Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada loo wareejiyay Taliska Ciidanka Booliska waxaana loo Magacaabay Taliyaha Qabta Booliska Gobolka Bari.
  4. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here