Wasiirka difaaca iyo madaxweyne Qoor Qoor oo booqday xero ku taalla Guriceel

0

GURICEEL (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Abdulkadir Mohamed Nur oo uu weheliyo Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Ahmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Guutada 27-aad Abu dujaana ee XDS, ku booqday Xerada Har Qaboobe ee degmada Guriceel Gobolka Galgaduud.

 

Wasiirka ayaa ciidanka kula dardaarmay in ay isku diyaariyaan ku biiritaanka hawlgallada baaxadda leh ee lagu ciribtirayo khawaarijta ee ka socda qeybo kamid ah dalka gaar ahaan deegaannada Galamudug oo intii badneyd laga saaray cadowga.

Ciidanka xoogga dalka iyo ciidamada deegaanka ayaa wada diyaar garow Xooggan oo dhinac walba ah kaas oo la doonayo in guud ahaan dalka laga ciribtiro Khawaarijta Argagixisada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here