Sawirro: Xijaar oo la kulmay taliyaha cusub ee booliska Gobolka Banaadir

0

Taliyaha Booliska Soomaaliya Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ayaa kulan looga hadlayay adkeynta amniga la qaatay taliyaha cusub ee qeybta guud booliska gobolka Banaadir iyo taliyeyaasha qeybaha.

Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa kulanka uu la qaatay saraakiisha ciidamada ammaanka ee Gobolka Banaadir kala hadlay sidii loo xoojin lahaa amniga caasimadda, maadaama la guda galayo bisha barakeysan ee Ramadaan, loona baahan yahay in Nabadgelyada la adkeeyo.

Taliyaha ayaa amray saraakiisha inay la shaqeeyaan Gaashaanle dhexe Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole) oo loo magacaabay Taliyaha qeybta guud ee booliska Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here