ADDIS ABABA – Shacabka dalka Itoobiya ayaa saaka oo Isniin ah u dareeray goobaha codbixinta, si ay u soo doortaan xubnaha Aqalka Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka, waana doorashadii 7-aad ee guud ee dalkaasi ka dhacda iyadoo dowladduna ay maanta u dhawaaqday fasax qaran.
Doorashadan oo ay iska diwaangeliyeen ilaa 50 milyan oo qof, ayaa la saadaalinayaa inuu aqlabiyadda ku guulaysan doono xisbiga talada haya ee Barwaaqo-sooranka (Prosperity Party) ee uu hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed, maadaama ay xisbiyada mucaaradku yihiin kuwo aad u kala qaybsan. Xisbiga rasmiga ah oo hadda haysta ka sii badan 500 oo kursi, ayaa rajeynaya inuu guushan ku helo muddo xileed cusub oo shan sano ah, iyadoo nidaamka dalkaas uu yahay in muwaadiniintu doortaan wakiillada, ka dibna wakiilladu ay doortaan Ra’iisul Wasaaraha.
Arrimha ugu waaweyn ee doorashadan hareeyey ayaa ah baaqyada ku aaddan dib-u-heshiisiin qaran, ka dib dagaalladii ragaadiyay gobollada Tigray, Oromia, iyo Amhara. Gobolka waqooyi ee Tigray ayaa markii labaad laga saaray doorashada qaranka, waxaanay matalaaddii federaalka ka maqnaayeen lixdii sano ee la soo dhaafay. Tani waxay dhalisay cabsi laga qabo in gobolkaasi uu isu rogo dagaal wakiilnimo, iyadoo xisbiga TPLF uu ku hanjabay inuu baabi’inayo heshiiskii nabadeed ee November 2022. Sidoo kale, inkastoo Abiy Axmed uu sanadkii 2019 ku guuleystay abaalmarinta Nobel Peace Prize, haddana waxaa taagan xiisad dhex maysa dalka deriska ah ee Eritrea oo salka ku haysa doonista Itoobiya ee dhanka badda.
Dhinaca kale, falanqeeyayaasha siyaasadda iyo xisbiga ugu weyn mucaaradka ee Ezema ayaa rajo ka muujiyey in doorashadani ay noqoto mid cadaalad ah, sababo la xiriira horumarka tignoolajiyada ee lagu soo kordhiyey habka doorashada iyo wacyiga shacabka oo kor u kacay si looga baxo siyaasadda ku dhex milantay qowmiyadaha.
Madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta ayaa hoggaaminaya 73 goob-joogayaal ah oo ka socda Midowga Afrika (AUEOM). Kenyatta oo saaka kormeeray goobaha codbixinta ayaa ku nuux-nuux saday in guusha doorashada Itoobiya ay muhiimad weyn u leedahay qaaradda oo dhan, maadaama dalku uu martigelinayo xarunta dhexe ee Midowga Afrika, isagoo ku baaqay xasilooni iyo nabad. Dhanka caasimadda Addis Ababa, ololaha ayaa ahaa mid degan inkastoo maalmihii la soo dhaafay lagu arkayay dhaqdhaqaaq ciidan oo lagu xaqiijinayo ammaanka.




