Shan qof oo Gaajo iyo Haraad ugu dhintay gobolka Gedo

0

CEELWAAQ (SMN) – Xaalad abaar oo ka jirta degmada Ceelwaaq iyo deegaanada ku hareereysan ee gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa saameysay dadka iyo duunyadaba.

Illaa iyo shan qof, ayaa lagu soo warramayaa iney halkaasi gaajo iyo harraad ugu dhinteen, sida ay xaqiijiyeen maamulka deegaanka.

Xoolaha ayaan heysan baad iyo biyo ay cabbaan, waxeyna ku nool yihiin cunto dadku gacanta ka siiyaan, halka maciishaddana ay cirka isku shareertay.

Ibraahim Guuleed Aadan, oo ah guddomiyaha degmada Ceelwaaq  ayaa tilmaamey in xaaladda haatan taagan ay tahay mid faraha ka baxdey.

Saameynta abaaraha ayaan ku ekeyn deegaan oo kaliya, iyadoo ay ku baaheen deegaano Soomaaliyeed oo aad u fara badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here