Sawirro: DF Soomaaliya iyo Shiinaha oo wada-hadallo ku yeeshay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Durran Axmed Faarax ayaa Maanta la kulmay Danjiraha Dawladda Shiinaha ee Soomaaliya Danjire FEI Shengchao.

Wasiirka Iyo Danjire Shengchao ayaa kawada hadlay Iskaashiga labada dal gaar ahaana dhanka Duulimaadyadda Rayidka ah, waxaana uu Wasiir Duran sheegay in Danjiraha dadaalkiisa in kor loo qaado xariirka iskaashi ee labada dal.

”Dawladda Shiinaha waxay naga caawisaa dhinaca horumarinta Gaadiidka Cirka iyo duulimaadyadda Rayidkaa, Soomaaliya waxay hiigsanaysaa in heerka Maamulka Hawadda la gaarsiiyo heerka A oo ah kan dunida horumartay ay joogto”Ayuu Yiri Wasiir Duraan Axmed.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya ahaa horumaro badan samaysay taa oo lagu hor marinayo Duulimaadyada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here