Mogadishu – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidda Carafo, isaga oo shacabka u rajeeyey nabad, barwaaqo iyo isku duubni.
Shariif Sheekh Axmed ayaa farriintiisa ku xusay muhiimadda ay leedahay wadajirka bulshada iyo ilaalinta xasilloonida dalka, xilli ay shacabka Soomaaliyeed u diyaar garoobayaan dabaaldegyada Ciidda.
Dhanka kale, madaxweynihii hore ayaa sidoo kale farriin adag u diray laamaha amniga ee lagu eedeeyo xarigga sharci darrada ah ee dhalinyarada iyo shacabka qaarkood, isaga oo sheegay in awoodda aan si sax ah loo adeegsan aysan waari doonin.
“Dhalinyarada xariggooda loo adeegsanayo ha ogaadaan in maalin meesha ay ku jiraan ay tagi doonaan,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
DAAWO.




