Aadan Madoobe oo hambalyo ku aadan Ciida u diray shacabka Soomaaliyeed

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guud ahaan Ummadda Islaamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u diray hambalyada Ciidul Fidriga oo maalinta berri ah ku beegan, isagoo sanadkaan kiisa xigga u rajeeyay inay ku gaaraan caafimaad iyo nabadgalyo.

 

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Ebbe weyne uga baryay inuu naga aqbalo acmaashii aan soo gudanay intii lagu guda jiray bisha barakaysan ee Ramadaan. Munaasabadaan barakaysan ee Ciiddul Fidriga awgeed ayuu Shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay, inay gacan ka geystaan lana caawiyo dadka tabaaleysan.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa Ciidanka Qaranka ee geesiyaasha ah ee ku sugan furiimaha dagaalka ayuu ugu hambalyeeyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here