Sheekh Aadan Madoobe oo kulan sagootin iyo mahadcelin ah la yeeshay Taliyaha Guutada 45-aad ee AUSSOM

0

Baraawe – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan isugu jiray mahadcelin iyo sagootin la qaatay Col. Dr. Justus Musenene, Taliyaha Guutada 45-aad ee Ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kuwaas oo howlgallo amni ka waday magaalada Baraawe iyo deegaannada hoos yimaada.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dadaalladii ay ciidanka AUSSOM ka geysteen sugidda amniga magaalada Baraawe iyo deegaannada ku xeeran, iyo iskaashigii ay la lahaayeen hay’adaha amniga ee Dowladda Koonfur Galbeed iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyey Taliyaha Guutada 45-aad iyo ciidamadiisa doorkii ay ka qaateen sugidda amniga, ilaalinta nabadda iyo taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida deegaannada ay ka howlgaleen.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha ayaa bogaadiyey wada-shaqeyntii iyo iskaashigii dhexmaray Ciidanka AUSSOM iyo hay’adaha amniga ee Dowladda Koonfur Galbeed, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii wadidda dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.May be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here