Muqdisho – Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay socdaan xiriirro lala yeelanayo dhinacyada lagu casuumay Gogosha Wadatashiga Qaran, taas oo qeyb ka ah diyaar-garowga shirka uu ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
War-saxaafadeed ka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Gogosha Wadatashiga Qaran, oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, fidiyay 26-kii Oktoobar 2026, ay dhawaan furmi doonto.
Madaxtooyada ayaa tilmaantay in ay socdaan dadaallada iyo xiriirrada lala yeelanayo dhinacyada kala duwan ee siyaasadda ee lagu casuumay shirka, si loo diyaariyo gogosha wadatashiga.
Dhanka kale, dhinacyada mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa weli muujinaya mowqifyo kala duwan oo ku saabsan ka qeybgalka gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka uu weli taagan yahay.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli kulamo iyo wadahadallo hore oo dhexmaray Dowladda Federaalka iyo dhinacyada mucaaradka aysan ka soo bixin heshiis la isku waafaqsan yahay, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo hannaanka siyaasadeed ee dalka.




