MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Sheekha Aadan Madoobe ayaa hambalyo iyo bogaadin u jeediyay Ciidanka Qaranka ee furimaha dagaalka ku sugan, si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale hambalyo u jeediyay Xildhibaanada qaranka ee ku maqan furimaha dagaalka, isla-markaana dhiirigalinaya ciidanka qaranka Soomaaliyeed.
Sidoo kale guddoomiyaha ayaa ku baaqay in dowlad goboleedyada ay u istaagaan ka qeybgalka baabulka ku aadan wajiga labaad ee Al-Shabaab looga saarayo gudaha dalka.
Ugu dambeyn guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Sheekha Aadan Madoobe ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan ciidamada,isla markaana ay ka qeybgalaan dhameystirka dagaalka Al-Shabaab.