Sheekh Aadan Madoobe oo xarigga ka jaray warshad soo saarta ogsijiinta caafimaadka oo laga hirgeliyey Baraawe

0

BARAAWE – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xarigga ka jaray warshad soo saarta ogsijiinta caafimaadka oo laga hirgeliyey Isbitaalka Guud ee degmada Baraawe, taas oo la filayo inay wax weyn ka beddesho adeegyada caafimaadka ee degmada iyo deegaannada hoos yimaada.

 

Warshaddan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo helitaanka ogsijiinta caafimaadka, gaar ahaan bukaannada u baahan daryeelka degdegga ah iyo dadka qaba xaaladaha caafimaad ee u baahan taageerada neefsashada.

Hirgelinta warshaddan ayaa sidoo kale sare u qaadaysa awoodda Isbitaalka Guud ee Baraawe ee bixinta adeegyada caafimaadka, iyadoo meesha ka saari karta caqabadaha la xiriira helitaanka ogsijiinta oo muhiim u ah daaweynta bukaanno badan.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa mudnaan gaar ah siinaya horumarinta adeegyada bulshada, gaar ahaan dhinaca caafimaadka, si bulshada ku nool deegaannada maamulkaasi ay u helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh oo la isku halleyn karo.

Dowladda Koonfur Galbeed ayaa sheegtay inay ka go’an tahay xoojinta kaabeyaasha caafimaadka, horumarinta xarumaha caafimaadka iyo hirgelinta mashaariic wax ku ool ah oo kor loogu qaadayo tayada nolosha bulshada ku dhaqan deegaannada maamulka.

Warshadda cusub ee ogsijiinta ayaa la filayaa inay dabool ka noqoto baahida ogsijiinta caafimaadka ee Isbitaalka Guud ee Baraawe, isla markaana ay wax ka tarto horumarinta adeegyada caafimaad ee loo fidiyo bulshada ku nool magaalada iyo deegaannada ku xeeran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here