Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Dowladda Hindiya

0

MUQDISHO – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Dowladda Hindiya, kaas oo ay hoggaaminaysay Marwo Sripriya Ranganathan, Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya u qaabilsan arrimaha Qunsuliyadaha, Baasaboorrada iyo Muwaadiniinta Hindiya ee ku nool dibadda.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen fursadaha lagu horumarin karo wada-shaqaynta dhinacyada ay Soomaaliya iyo Hindiya ka leeyihiin danaha wadaagga ah. Wasiirka Axmed Macallin Fiqi iyo wafdiga Hindiya ayaa sidoo kale isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka labada dowladood iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan.

Wadahadallada ayaa ku soo dhammaaday jawi wanaagsan, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen rabitaan ku aaddan sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal. Kulanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Yuusuf Cali Maxamed, Safiirka Hindiya u fadhiya Soomaaliya, Dr. Adarsh Swaika, iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday labada dhinac.May be an image of one or more people and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here