Sheekh Shariif & Xasan Sheekh oo natiijo la’aan kala soo kulmay Cadale

0

Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynayaashii hore ee dalka ayaa isaga soo laabtay degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe natiijo la’aan, kadib markii ay ku guul dareysteen in ay xalliyaan cabashada ay qabaan dadka deegaanka.

Sida ay wararku sheegayaan waxaa fashilmay kulamo ay la qaadanayeen qaar kamid ah dhaqanka deegaanka oo ku adkeestay in kuraas ka dhexeysa Beesha Suul Harti, kuwaasi oo ku kala suntan Hop141 iyo Hop146 dib loo soo celiyo kadibna la wada-hadlo, halka madaxweynayaashii hore ay iyana quul dareynayeen in la wada-hadlo, taasi oo u muuqaneysay in ay ka caga-jiidayaan soo celinta kuraasta oo mid ka mid ah u uku fadhiyo xildhibaan Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo ku hayb ah ku simaha Imaamka Beelaha Mudulood.

Islow Maxamed Yuusuf oo horay warbaahinta ula hadlay ayaa ka been sheegay tirada kuraasta Beesha Harti Abgaal ay ku leeyihiin baarlamanka federaalka ah ee Soomaaliya oo uu sheegay in ay tahay shan kursi mid ka mid ahna uu ku maqan yahay Beelaha dega degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dexe, iyagana wax laga weydiinayo, balse kuraasta Beesha Abgaal ay ku leedahay labada Aqal ee baarlamaanka ayaa ah 12 kursi oo min afar ay u qeybsadeen Beelaha Wacbuudhan Abgaal, War Culus Abgaal iyo Harti Abgaal.

Xildhibaan hore Xasan Waranto oo la hadlay dhankiisa warbaahinta ayaa sheegay in saxiixaha guud ee Beelaha Mudulood uu yahay ku simaha Imaamka wax laga xumaadana ay tahay heybinta kuraasta Beesha iyo in cid kale wax laga weydiiyo taasi oo u muuqaneysa, sida uu sheegay in ay tahay mid uu isaga indha tirayo xaqiiqda jirta.

Dhaqanka Cadale ayaa diiday in warbaahinta ay qeyb ka noqoto isla-markaana la duubo  kulamo madaxweynayaashii hore ee dalka ay la qaadanayeen odoyaasha, kuwaasi oo quud dareynaya in la soo celiyo metalaaddii ay ku lahaayeen baarlamanka Soomaaliya oo la duudsiiyey sanadka  marka uu ahaa 2012-kii.

Warar ay Shabelle heshay ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Guudlaawe uu u ballan-qaaday dadka reer Cadalle in aan la qaban doonin doorashada labada kursi ee lagu muransan yahay inta laga gaarayo xal rasmi ah.

Beelaha Cabdalle Caroone iyo Habar Nugaale ayaa iyagu dhawaan waxa ay daboolka ka qaadeen jiritaanka kuraas laga boobay 2012-kii oo ay sheegeen inuu duud-siiyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo ku simaha Imaamka Mudulood, kuwaasi oo u hoosaaday siyaasiyiin ay si dhow isugu heyb yihiin, waxaana ay tilmaameen in muddo sideed sano ah aysan wax matalaad ah ku yeelanin baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, iyaga oo dalbaday in dib loogu soo celiyo  kuraasta ka maqan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here