Taliyaha ciidanka Booliska oo magacaabis sameeyey

0

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa isbedel ku sameeyey Afhayeenkii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Taliye Xijaar ayaa afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed U magacaabay Gashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan oo ka mid ahaa saraakiisha firfircoon ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Gashaanle C/Fitaax Aadan Xasan ayaa waxa uu bedelayaa Col Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) oo horay u ahaa Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here