Shir ku saabsan qorshaha isbeddelka Qaran oo ka furmay Muqdisho + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka Aqoon-is-waydaarsiga ah ee ku saabsan Qorshaha Isbeddelka Qaran ee Ganacsatadu hoggaaminayso kaas oo ay si wada-jir ah u soo qaban-qaabiyeen Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha XFS iyo Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.

 

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah, kana soo qeyb-galeen hay’adaha dawladda iyo ganacsiyada gaarka ah ee dalka, ayaa lagu falan-qeyn doonaa muhiimadda Qorshaha Isbeddelka Qaran ee uu hoggaaminayo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha XFS kaas oo Ganacsatadu door muhiim ah ka qaadan doonaan hirgelintiisa.

Wasiir Jibril Abdirashid Haji Abdi oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa ugu horreyn boggaadiyey Ganacsatada Soomaaliyeed oo uu ku amaanay doorka ay ka soo qaateen dhismaha dawladnimada iyo horumarka wadanka, isla-mar-ahaantaana loo baahan yahay in maanta ay kaalin weyn ka qaataan higelinta Qorshaha Isbeddelka Qaran oo dhabaha u xaadhaya dawladnimo casri ah oo la jaanqaada dunida kale.

Wasiirku, wuxu tilmaamay in Qorshaha Isbeddelka Qaran uu horseedi doono horumarinta Ganacsiyada gaarka ah, xoojinta iskaashiga, iyo wax ka qabashada caqabadaha jira taas oo abuuri doonta horumar dhaqaale, shaqo abuur iyo fursado ganacsi oo aad u ballaadhan.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji, wuxu ugu dambayn u mahadceliyey ka soo qeyb-galeyaashii shirka isaga oo sidoo kale na ka codsaday in muddada shirkani socdo si weyn loogga qeybqaato doodaha iyo mawduucyada kala duwan ee lagu soo bandhigaayo shirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here