Maxkamadda gobolka Banaadir oo dil toogasho ah ku xukuntay Sayid Cali

0

MUQDISHO (SMN)Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maant dil toogasho ah ku xukuntay Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku eedeysnaa dilka xaaskiisa oo xaamilo ahayd, oo uu ku gubay gurigeeda.

 

Go’aanka Maxkamdda oo si weyn loo sugaayay toddobaadyo ayaa waxaa ku dhawaaqay guddoomiyaha Maxkamadda, waxaana uu sheegay in maxkamaddu ay heshay caddeymo ku filan oo ay xukunkaasi ku gaartay.

Sayid Cali ayaa horay u gubay xaaskiisa, waxaana wali firinjiyeer ku jira meydkii marxuumadda, oo illaa iyo hadda aan la aasin, ka dib markii aabaheed uu diiday in la aaso ilaa ay gabadhiisa ka hesho cadaalad.

Maxakamadda ayaa horey laba fadhi oo lagu dhageysanyayay dacwadan oo si toos ah looga baahinayay telefishinka ka yeelatay, iyadoo la dhageystay marqaatiyeyaal iyo qareenada labada dhinac.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sheegtay in Sayid Cali uu u furan yahay racfaan inuu ka qaato xukunka, taasi oo haddii uu sameeyo keeneysa in fulinta xukunka dilka ah uu dib u dhaco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here