Sawirro: Shir xasaasi ah oo u furmay DF Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka

0

MUQDISHO (SMN) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeynta, Mahdi Sheekh Cabdullahi ayaa daah furay kulan wadatashi ah oo lala yeeshay mas’uuliyiin ka socday Bangiga Adduunka.

 

Shirkan oo la xiriira fulinta mashruuca ESSRM ee ujeedadiisu tahay xoojinta nidaamyada qaranka ee lagu maareeynayo khataraha isbedelka cimilada ee deegaanka iyo bulshada saamaynta ay ku leedahay mashaariicda horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha.

Shirkan waxa ka qayb galay wakiilo ka kala socday wasaaradaha dawladda, jaamacadaha, iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka howlgala dalka.

Agasime Mahdi Sheikh ayaa carabka ku adkeeyay in loo baahanyahay magaalooyin iyo kaabayaal dhaqaale oo u adkaysan kara khataraha uu sababo isbedelka cimilada.

Waxa kale oo uu xusay in baahi wayn ee loo qabo wadashaqaynta hay’adaha dawladda, si loola fal-galo caqabadaha ka imaan yimaada isbedlaka cimilada.
Mas’uulinta mashruucan wada ayaa tilmaamay in Bankiga Adduunka ka go’an tahay tayeynta hay’adaha dowladda Soomaaliya, iyadoo laga taageerayo horumarinta siyaasadaha, shuruucda iyo tababarada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here