Shirka Wadatashiga oo galay maalintii labaad iyo Wararkii ugu dambeeyay

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug waxaa maalintii labaad ka socda shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo shalay ka furmay gudaha magaaladaaasi.

 

Shirkan ayaa waxaa guddoominayo madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo ku sugan caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb, waxaana sidoo kale ka qayb-galaya Ra’iisul wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha gobolka Benaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Shirka waxaa dhanka kmale weli ka maqan madaxweynaha Puntland Saciid Deni, sababo la xiriira khilaafka kala dhexeeya dowlada oo saameyn ku yeeshay labada dhinac.

Arrimaha lagu gorfeynayo shrka waxaa ka mid ah amniga, dagaalka Al-Shabaab, xasilinta deegaanadii la xoreeyay iyo arrimo kale oo quseeya ajandayaasha heer qaran.

Sidoo kale waxa kamid ah doodaha miiska saaran muddo kororsiga madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada iyo dhammeystirka barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

Gabagabada sidoo kale waxaa lagu wadaa in shirka laga soo saaro war-murtiyeed ku aadan, waxyaabaha ay isla go’aamiyaan madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee shalay ka furmay Dhuusamareeb ayaa kusoo aaday xili dowlada Federaalka Soomaaliya ay hormaro balaaran ka sameesay dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab marka la eego Galmudug oo degmadii u muhiimsaneed ay kala wareegtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here