Ciidanka ATMIS oo duqeyn la eegtay dad isku qoys ah oo ku sugan Awdheegle

0

AWDHEEGLE (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya madaaafic ay xalay ciidamada ATMIS ku garaaceen degamada Awdheegle gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Madaafiicda oo tiradooda lagu sheegay illaa 4 ayaa waxa ay ku dhaceen xaafado ka tirsan gudaha degmadaasi, waxaana ay waxyeello ka soo gaartay dad isku qoys ah.

Shan ruux oo ay ku jiraan wiil iyo aabihiis iyo saddex carrruur ah ayaa ku dhaawacmay madaafiicdan, sida ay innoo sheegeeno ilo dadka deegaanka ah.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka Awdheeglle, Mudane Maxamuud Sayid Axmed oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa warbixiyay falkaasi, wuxuuna sheegay in dadka dhaawacyada ah haatan lagu dabiibayo isbitaal ku yaalla gudaha degmadaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in marar badan ay soo laa laabteen dhibaatooyinka ay ciidamada ATMIS ka geysanayaan halkaasi, gaar ahaan duqeynta.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca howlgalka ATMIS oo ku aadan weerarkaasi lagu eedeeyay ee uu khasaaraha kasoo gaaray dadka rayidka ah.

Si kastaba, dhacdooyinkan soo laa laabtay ayaa waxaa walaac ka muujinaya dadka rayidka ah ee ku dhaqan Shabeelaha Hoose, gaar ahaan kuwa beeraleyda ah ee gobolkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here