Nairobi, Kenya – Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo lagu qabtay Hotel-ka Trademark.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray isku-dubbaridka dadaallada lagu ilaalinayo, dib loogu soo celinayo, laguna dayactirayo webiyada iyo ilaha biyaha ee ku yaalla Basin-ka Webiyada Nairobi, si looga dhigo ilo muhiim u ah kaabayaasha cagaaran iyo buluugga ee magaalada.
Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi ayaa si toos ah u taabanaysa dadka Soomaaliyeed ee ganacsiyada iyo guryaha ku leh deegaanada dib-u-habeynta lagu sameynayo, gaar ahaan xaafadda Islii iyo deegaanka Kaamakunji.
Waxaa horay loo dumiyay guryo iyo hanti ay leeyihiin dad Soomaaliyeed. Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle ayaa si weyn ugu howlan sidii loo xaqiijin lahaa in laga talageliyo dadka Soomaaliyeed ee ka ganacsada ama ku nool daafaha Webiyada Nairobi.
Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi ayaa sidoo kale sare u qaadaysa bilicda, nadaafadda iyo guud ahaan nolosha dadka ku nool xaafadda Islii. Ujeeddada shirka ayaa ahayd in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya dowladda, bah-wadaagta horumarinta iyo saaxiibbada caalamiga ah, iyadoo la horumarinayo deegaan waara, magaalooyin nadiif ah iyo tayada nolosha bulshada.
Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa ka qaybgalay kulanka, isagoo qayb ka noqday doodaha iyo is-dhaafsiga aragtiyaha ku saabsan ilaalinta deegaanka, horumarinta magaalooyinka iyo iskaashiga gobolka.





