Muqdisho – Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), Dr. Maryan Qasim, ayaa kulan la yeelatay Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka, Mudane Axmed Ciise Guutaale.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta labada hay’adood, gaar ahaan taageeridda Guddiga Xuquuqul Insaanka oo ah hay’ad cusub, si loo sii horumariyo hannaankiisa maamul iyo maaliyadeed.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay nidaamka shaqaalaha iyo habraacyada lagu xaqiijinayo isla-xisaabtanka, daahfurnaanta iyo maaraynta hufan ee hantida iyo dhaqaalaha dadweynaha. Guddoomiyaha GMXIQ iyo Hanti-dhowraha Guud ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Guddiga loo dhiso hannaan maamul iyo maaliyadeed oo hufan, iyadoo si buuxda loo ilaalinayo madaxbannaanidiisa dastuuriga ah iyo tan sharciyeed.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu gorfeeyay muhiimadda ay leedahay in Guddigu ku shaqeeyo shuruucda iyo habraacyada maaliyadeed ee dalka, iyadoo aan wax loo dhimayn madax-bannaanidiisa iyo waajibaadka uu dastuurka iyo sharcigu u igmadeen.
Labada hay’adood ayaa sidoo kale isla soo qaaday iskaashiga dhinacyada kobcinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha, iyo diyaar-garowga hanti-dhowrka, si loo xaqiijiyo in howlaha Guddiga loo maareeyo si waafaqsan hannaanka maamul wanaagga iyo isla-xisaabtanka.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha dowladda iyo hannaanada hubinaya in maamulka hantida iyo dhaqaalaha dadweynaha lagu saleeyo daahfurnaan, hufnaan iyo isla-xisaabtan.




